Bogga Hore
|
Maqaalka Maanta

Cirjeex ama loo yaqaano magacyada kala ah (Cirjiir) ama (Mushtari) waa meeraha 5aad ee ugu dhow qoraxda ayadoo u jirta masaafo dherer dhan 5.2 AU, iyo 318 jeer muga dhulka. Sidoo kale, Cirjeex waa kan ugu weyn meerayaasha Bahda Qoraxdu Midaysay Waa meere neef (gas) ah, oo jawigiisuna ka samaysan yahay isku dhisyo Haydarojiin iyo Hiliyaam, oo tartiib u noqda haydarojiin dareerto ah. Waxaa suurto gal ah in meeruhu lee yahay bu’ is haysata oo dhagax iyo baraf ah.<ref>"dhagax iyo baraf" Jurmiweynidu oo qabo awgeed, Cirjeex wuxuu lee yahay cufisjiidad aad u weyn, wuxuuna soo jiidaa dibdheerooyin (kometer) iyo dhadhaabyo (asteroider) oo isaga ku dul dhaca, haddi kalena dhulka ayey kusoo dhici lahaayeen. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Ma Ogtahay...
- ... in Xalwo (Sawirka), oo sidoo kale loo yaqaano Xalwad, ay tahay nooc ka mid ah cuntada fudud ee laga cuno meelo badan oo caalamka ah?
- ... in xalwadu ay si gaar ah caan uga tahay Soomaaliya, Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe?
- ... in magaca xalwo uu ka yimid luuqadda Carabiga (Af Carabi: حلاوة), oo macnihiisu yahay wax macaan?
- ... in xalwadu ay leedahay midabo iyo noocyo kala duwan iyadoo ku xiran waxyaabaha lagu daro?
- ... in xalwada caalamka guud ahaan ay leedahay laba nooc oo waaweyn: nooca daqiiqda leh iyo nooca looska leh?
- ... in xalwada lagu dari karo waxyaabo ay ka mid yihiin sonkor, subag, saliid, loos iyo miro yaryar si loo kordhiyo dhadhankeeda?
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Taariikh

Farta Boorama (sidoo kale loo yaqaano: Far Gadabuursi) waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far Soomaaliga taasi oo uu alifey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama, oo noqonaysa sababta farta loogu magacdaray magaaladaasi.
Toban sano ka hor intii aanu Sheekh Cabdiraxmaan alifin farta waxaa soo baxdey Farta Cusmaaniya taasi oo noqoneysa fartii ugu horeeysay dhulka Soomaaliyeed. Markii farta Borama soo shaacbaxdey waxay noqotey mid ka sahlan qorista iyo akhriska isla markaana ka shaqallo badan farta Cusmaaniyada. Dad badan oo wakhtigaasi isbarbardhigay waxay ku sheegeen farta Boorama in ahayd midii ugu casrisanayd geyiga Soomaalida wakhtigaas. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Maalintan

Af-Soomaali waa luqad Afro-Aasiyatik ah oo ay leedahay laanta Kushiitik . Waxay afka hooyo u tahay Soomaalida ku nool dhulka Soomaaliweyn iyo qurbo joogta Soomaaliyeed. Afka Soomaaliga waa afka rasmiga ee Soomaaliya Afka Soomaaliga waxaa ku hadla Soomaalida ku nool dalka Soomaaliya , Jabuuti , Itoobiya , Yemen , Kenya , iyo qurba joogta Soomaalida . Waxaa sidoo kale ku hadlo dad tiro yar oo ka soo jeeda qowmiyadaha tirada yar ee ku sugan agagaarkaas Laga soo bilaabo 2016, waxaa jiray dad gaaraayo ku dhawaad 36.6 milyan oo qof oo ku hadla af soomaaliga, oo kala degan dhulka soomaali wayn, taas oo ku dhawaad 15 milyan ay ku noolyihiin Soomaaliya. (SII AQRI)
Wararka Wiki – Dhacdooyinka Hadda iyo Dheeraad...
Sawirka Maanta
Maanta Oo Kale
Xusuusta dhacdooyinka maanta
Xusuusta Dhacdooyinka Maanta :
Kuwa ugu muhiimsan Xusuusta dhacdooyinka sanadkaan - Maalmaha sanadkaan oo dhan
|
|
|
Mashaariicda Bahwadaagta la ah Wikimedia
Luuqadaha kale Wikibidhiya
Wikipedia-gan waxaa lagu qoray Af Soomaali. Wikipedia-yada kale ayaa diyaar ah; qaar ka mid ah kuwa ugu waaweyn ayaa hoos ku taxan.
-
1,000,000+ maqaalo
-
250,000+ maqaalo
-
10,000+ maqaalo

















