Hadii aad qabto Su'aal kooban ama Saadaal ee ku saabsan bogga laakiin aan ku saab-sanayn bogga wadahadalka isku day inaad soo booqoto Su'aalaha iyo Saadaasha Wikipedia
Hadii aad dooneeyso in laga-wadahadlo wax ku saabsan Wikipedia lafteeda si guud Bogga' soo booqo Goobta Wikipedia
---Qaabka aad wax uga bedeleyso FG. Luqada waa english
Wikipedia (loogu dhawaaqo ˌwiˑkiˈpidi.ə). Waa bar laga helo Web-ka oo ah Qaamuus qoran. Waxaa qorey dad iskood ugu qora luuqadadooda oo aan dawlad ama haayadi diran. Qofkwalba oo guriga khatka internetka ku heysta, yaqaanana sida loo isticmaalo wuu ka qeybqaadan kaaraa Qaamuuskan oo sidii cilmi Soomaaliga ku qoran loo soo gelin lahaa halkan. Arintan oo la bilaabay 2001 Ingiriiskuna (english) ugu horeysey ayaa waxaa ku xigey luuqado badan oo kuwa ugu waaweyn ay yihiin Jarmal , Faransiis , Isbanish iyo Talyaani.
Taariikhdu markii ay ahayd 18/01/2012 ayaa waxa hawada ka baxay wikipedia laakiinse isla maalin ka bacdiba waa ay ku soo noqotay hawada.
Taxane (Ingriis: Matrix) (Talyaani: Matrice) (Carabi: مصفوفة)
jamac Taxaneyaal waxay waxtar joogta ah u leedahay furfurista habdhiska isle'egyada toosan. Taxanayaalka siyaale kale oo badan waa loogu shaqaysan karaa:
Taxane waa teed laydi oo ka kooban m dhinactax iyo n joogtax oo tirooyin maangal ah. Taxane waxaa aalaaba lagu muujiyaa tibixda m × n (loo akhriyo "ma, na") m waxay utaagan tahay inta dhinactax ee taxanuhu leeyahay, n waxay utaagantahay inta jogtax ee taxanuhu leeyahay. Haddii m = n, taxanaha waxaa la yiraahdaa taxane labajibbaarane ah. Taxne waxaa lagu dhex xirtaa laba bilood ama laba sakal.
Tusaalooyinka soo socda waa taxanayaal:
3×1
b. Taxane 3-dhinactax 1-joogtax ah
2×2
t. Taxane 2-dhinactax 2-joogtax.
1×4
j. Taxane 1-dhinactax 4-joogtax ah.
x. Taxane 2-dhinactax 4-joogtax ah.
Taxanihii hal dhinactax kaliya leh waxaa la yiraa Taxane dhinactax markuu hal joogtax kaliyana waxaa la yiraa Taxane joogtax. Ku jirayaalka mid ka mid ah waxaa la yiraa kutiirsanayaal. Taxanaha waxaa lagu magacaabaa xaraf weyn, sida B, T, J iwm. Ama sumadda B m×n, taasoo u taagnaan karta taxana kasta oo leh m-dhinactax n-joogtax. Hoos dhigga (muujiyaha) m×n wuxuu u taaganyahay aaddimaha ama ama heerka taxanaha.
Inta kutiirsan ee taxanuhu leeyahay waxaa lagu helaa m oo lagu dhuftay n. Haddaba hadaan u noqonno tusaalaha kor ku xusan, waxaan aragnaa in: taxanaha (b) uu leeyahay addimo ah: 3×1; kan (t) 2×2; kan (j) 1×4; kan (x) uu leeyahay 2×4 sidaas oo kale taxanihii ah heerka m×n wuxuu ka kooban yahay taxanayaal ah m-dhinactax iyo taxanayaal ah n-joogtax.
B2×3 B waxay leedahay laba taxane dhinactax oo ah iyo iyo saddex taxane oo ah joogtax
::
Si ballaaran taxanayaalka waxaa loo isticmaalaa jabayto qoridda sidaan soo socota.
Tusaale:
Taxana guud ee heerka 2×3 waxaa loo qori karaa
Taxana guud ee heerka m × n waxaa loo qori karaa
Waxaa loo soo gaabiyaa (a i j) marka i = (0,1,2,...m) j = (1,2,3,...n) ereyada kale ee taxanayaasha
Taxane maran.
Hadii tanayaal kutiirsanayaalkiisu dhammaan yihiin, eber, taxanahaas waxaa la yiraa tanaxane maran ama taxane eber waxaa lagu asteeyaa 0 m × n.
Melmel taxane.
Meelmeelka taxane B loono qoro B"" (u akhri "meelmeel B") waa taxane cusub oo ka yimid, B oo dhinactaxyadeeda la isku bedelay.
Isle'ekaanshaha taxanayaal.
Laba taxane B iyo T oo isla aaddimo ah waa isle'egyihiin hadii iyo hadii qura oo kutiirsanayaashoodu isku beegani isle'egyihiin.
Bogaga dooda waa meel ay dadku kaga hadlaan sida loo hagaajin karo nuxurka Wikipedia si uu u noqdo kan ugu wanaagsan ee uu noqon karo. Adiga waxaad isticmaali kartaa boggan si aad ula bilowdo dood dadka kale oo ku saabsan sida loo horumarin karo Bogga Hore.