Libaax
| Libaax Ar | |
|---|---|
| Lab | |
| Dheddig (libaax) | |
| Xaalad xanaaneed | |
| Kala soocida cilmiga ah | |
| Boqortooyo: | Xayawaan |
| Faylam: | Lafdhabarleey |
| Gacalka: | Naasley |
| Dirka: | Hilibcun |
| Bahka: | Bahda Bisada |
| Duulka: | Panthera |
| Noocyada: | P. leo |
| Magaca laba-geesoodka ah | |
| Panthera leo (Linnaeus, | |
| Eray la mid ah | |
|
Gool, Aar | |

Libaax, Aar (Af Carabi: أسد; Af-Laatiin: leo; Af-Taliyaani: leone; Af Ingiriis: lion;Af Ingiriis: lion; Af Oromo: Leenca ; Af Amxaari: አንበሳ) waa xayawaan aad u weyn oo duurjoog ah oo hilibka cuna.
Libaaxu (Panthera leo) waa xayawaan weyn oo ka tirsan bahda bisadaha iyo duulka *Panthera*. Wuxuu lee yahay jir murqo badan, laab ballaaran; madax gaaban oo wareegsan; dhego wareegsan; iyo qayb timo madow leh oo ku taal cidhifka dibkiisa. Waa mid muuqaalkiisu lagu kala garan karo lab iyo dhedignimadiisa; libaaxyada labka ah waa kuwo ka waaweyn dheddigga, waxayna leeyihiin timo badan oo dheer oo qoorta iyo madaxa ka baxda (mane) kuwaas oo gaara ilaa garbaha iyo laabta.
Libaaxa waxaa lagu maqacaabaa Boqorka Xayawaanka, sababtoo ah waa ugaadhsadaha dhamaan noolaha ku dhex nool keymaha.
Libaaxa kan lab waxaa loo yaqaan Aar, tan dhedigna waxaa loo yaqaan Gool, libaaxu waa xayawaan aad u khatar ah waxaana uu noolyahay qaarada Afrika iyo Hindiya, libaaxa waxa uu cunaa hilibka xoolaha, dadka iyo dhamaan xayawaanka.
Waddanamha
[wax ka badal | wax ka badal xogta]Waddanmaha Kale...
Libaaxu waa boqorka duurjoogta
Libaaxa ugu Wayn wuxukunoolyahay koonfurta AFRIKA